Puntland Oo Toogasho Ku Xukuntay Siddeed Ruux Oo Dilalka U Qaalibsanaa Alshabaab

Published: April 21, 2021

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Ceyn ee Puntland ayaa xukun dil ah ku ridey siddeed ruux oo lagu eedeeyay inay falal qorsheysan oo dilal ah ka fuliyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa xukuntay xubnahan oo la sheegay in ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorshaysan ee madax-jebiska, isla markaana qiraal ku ahaayeen danbiyada lagu helay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Ceyn ee Puntland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cabdi Shire ayaa sheegay in dhamaan Shanta ragga ah ay Maxkamadda ku riday xukun dil toogasho ah, iyaga oo loo heysto dilal ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo laga soo bilaabo sanadkii 2008-dii.

Magacyada xubnaha la xukmay ayaa kala ah: Faysal Axmed Bashiir Gujis, Sahal Cabdullaahi jaamac, Idiris Maxamed Afyare, Salmaan Maxamuud Saleebaan (Al-faarisi), jaamac Muriidi Xuseen Maxamed, Maxamed Cabdi Raage Indhabuur, Cabdirisaaq Axmed Buraale iyo Maxamed Cumar Muudey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment