Madaxweyne Deni oo Gudoomiye u Magacaabay gobolka Sool

Published: April 22, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Gudoomiye cusub magaacabay Gobolka Sool.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Deni Jaamac Aadan Xaaji Maxamuud loogu magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Hoos ka akhriso Wareegtada Madaxweynaha:

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Aadan Xaaji Maxamuud loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *