AFRICOM: “Alshabaab Waxaa ka walwal badan Muddo kororsiga

Published: April 23, 2021

Taliyaha Ciidanka Howlgalka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Stephen J. Townsend oo khamiistii tagtay la hadlayay Golaha Senete-ka Mareykanka ayaa soo hadal qaaday xaaladda deganaansho ee Soomaaliya.

Waxa uu Golaha Senete-ka u sheegay in walwalka ugu badan ee xiligan ka taagan Soomaaliya aanu ahayn Alshabaab hase ahaatee uu yahay deganaansho la’aan siyaasadeed oo aan xal loo hayn caqabadaha keenay.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowlada Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah ee ku saabsan kordhinta Muddo xileedka Dastuuriga ee Madaxda ayuu si cad u sheegay in uu yahay mid baalmarsan Dastuurka Soomaaliya.

Xiligan saameynta ugu weyn ee Amniga Soomaaliya ma ahan Alshabaab ,waa Xasaradaha Siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowlada Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, Muddo kororsiga madaxweynaha ee baalmarsan Dastuurka waa Cabaqadeena ugu weyn

Dhinaca kale Taliyaha Milatariga Howlgalka Mareykanka ee Afrika Jeneral Stephen J.Townsend ayaa tilmaamay in caqabado badan uu abuuray go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee soo saarista Ciidamada Mareykanka ee joogay Soomaaliya ,Waxa uu sheegay in go’aankaas uu xagal daaciyay howlgaladii lagula dagaalamayay Kooxda Alshabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *