Jaamacadda Carabta oo cadeysay Mowqifkeeda Muddo kororsiga

Published: April 23, 2021

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa codkiisa ku biiriyay Walaaca caalamiga ah ee la xiriira xaaladda cakiran ee Soomaaliya ee ka dhalatay Mudo kordhintii loo sameeyay Hay’adaha dowladda.

War kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Cadil Bin Cabdiraxmaan Al Casuumi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loogu laabato wadahadalka arimaha Doorashooyinka si looga fogaado xasilooni daro sii dheereyn karta khilaafka wali kataagan Doorashada.

Waxa uu tilmaamay in aan si fudud lagu lumin guulaha laga gaaray xasiloonida Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyadoo la adkeenayo amaanka iyo Nabadda Soomaaliya.

Wadamada Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ayuu ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidi Soomaaliya ay uga gudbi lahayd xaaladda cakiran ee xiligan ay dhex maquuranayso si aanay dib ugu laaban marxaladihii ay kasoo gudubtay.

Wark kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa sii fogeynaya rajadii madaxweyne Farmaajo uu ku doonayay in uu taageero Caalami ah ugu raadiyo muddo kordhintii 2 sano ee ay wada sameysteen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *