Midowga Afrika oo faray AMISOM in ay la socoto dhaqdhaqaaqyada Ciidamada SNA

Published: April 23, 2021

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo shalay kulan ka yeeshay xaaladda Amaan ee Soomaaliya ayaa warmurtiyeedkii ay soo saareen waxa ay ku booriyeen Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya in ay si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Xoogga dalka si looga hortago iska hor-imaadyada keeni ismaandhaafka u dhaxeeya dhinacyada siyaasaddda dalka.

Gudoomiyaha Midowga Afrika aya si toos looga codsaday in uu si deg deg ah u qabto shirarka u dhaxeeya Safiirada iyo wadamada ay Ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya arintaas oo looga golleeyahay in laga wada shaqeeyo ka hortagga Rabshadaha iyo tallaabooyinka la qaadayo hadii uu dhaco gacanqaad dhexmara dhinacyada is haya.

Waxaan ka codsaneynaa Gudoomiyaha Midowga Afrika, inuu si deg deg ah u qabto shirarka Ciidamada iyo Wadamada Ciidamada ku biiriya Booliska, heer safiirnimo, iyo sidoo kale Guddiga Isku-dubbaridka Hawlaha Milatariga ee heerka Taliyeyaasha Difaaca, si loo tixgeliyo saameynta amniga ee is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira, iyo sidoo kale khariidaynta xulashooyinka wax looga qabanayo iyo yareynta”

Warmurtiyeedka kasoo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika gaar ahaan AMISOM iyo arinta la socoshada amaanka Soomaaliya ayaa banaanka soo dhigaya hubinta la’aanta iyo kalsoonida lagu qabi karo Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka kuwaasoo marar badan qeyb ka noqday ismaandhaafka siyaasaddeed ee ka jira gudaha dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *