Eedeysanayaal loo haysto dilka Gudoomiyihii degmada Hodan oo Maxkamad lasoo taagay

Published: April 24, 2021

Maxkamadda Ciidamad Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageygsiga kiis loo haysto ragg ku eedeysan dilka Gudoomiyihii hore ee degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun kaasoo 21-dii Bishii Janaayo ee sanadkan u geeriyooday Rasaas ay ku fureen Ciidamada ka tirsan Dowladda .

Eedeysanayaaha la hor geeyay Maxkamadda ayaa waxaa kamid ah Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska kuwaasoo loo haysto in ay ku lug lahaayeen dilka marxuumka.

Xeer ilaalinta ayaa Maxkamada ka hor jeedisay cadeymaha kiiska Ragga ku eedeysan dilka Marxuum Dhagajuun Gudoomiyihii hore ee degmada Hodan iyadoo Maxkamadda la horkeenay Saraakiil ku Markhaati furay Ragga loo hayso Kiiska dilka Gudoomiyaha.

Maxkamadda ayaa gaba gabadii sheegtay in Garmaqalka Eedeysanayaashan fadhi kale la isugu soo laabanayo kaasoo ay dib ay uga dhawaaqi doonto xiliga la muddeyn doono Garmaqalka kale ee kiiskan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *