Banaanbax looga soo horjeedo Muddo kororsiga Oo Muqdisho ka socda

Published: April 25, 2021

Shacab careysan ayaa banaanbax ka dhigaya isgoyska Fagax ee kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir,Dadka Banaanbaxaya ayaa kasoo horjeeda muddo kororsiga loo sameeyay madaxweyne Farmaajo.

Sawiro laga soo qaaday goobta banaanbaxa uu ka socdo ayaa la arkayaa shacab careysan oo wadada ku gubaya taayaro iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay uga soo horjeedaan madaxweynaha muddo kordhinta loo sameeyay e.e Farmaajo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamo gadoodsan oo xalay ku sugnaa duleedka Muqdisho ay galeen Muqdisho gaar ahaan isgoyska Fagax ee uu Banaabaxu ka socdo.

Ciidamadan ayaa ky hubeysan gaadiidka dagaalka waxaana lagu soo waramayaa in ay sugayaan ammaanka dadka banaanbaxaya.

La soco wixii kusoo kordha

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *