Beyle: “Lacag ma jirto sagxadda ayaan ku soconaa”

Published: April 25, 2021

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Xilgarsiinta Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isbadalka ku yimid taageerada dowladaha iyo deeq bixiyayaasha Soomaaliya ka caawiya mashaariicda iyo Kabka Miisaaniyadda dowladda kadib kulan fogaan arag uu uga qeybgalay Aaladda Zoomka.

Beyle ayaa qiray in Deeq Bixiyayaasha Caalamiga ay jarteen taageerada dhaqaale ee ay siin jireen Dowladda arintaas oo la aaminsan yahay in ay la xiriirto go’aankii sharci darrada ee muddo xileedka loogu kordhay Hay’adaha dowladda Federaalka.

“Lacagihii adduun weynaha nasiin jiray waa naga goosteen, xoogaa Sucuudiga iyo Qadar nasiiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December,January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda”.

Dowladdo iyo Ururo Caalami ah oo ay kamid yihiin Midowga Yurub,Jaamacadda Carabta,AU,Mareykanka ,Britain iyo kuwo kale ayaa horey si cad u sheegay in talaabada dowladda Federaalka ee ay muddada ku kororsatay uu saameyn doono taageerada Maaliyadeed ee ay siinayaan Soomaaliya iyag oo ku goodiyay ka fiirsiga cilaaqaadka iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Sheekha, wasiirka iyo agaasimuhuba aad beey u mahadsanyahiin, alaahu maa balaqtu fariintii waad na soo gadhsiseen waxaad na weydisteena maha dalka qori u qaata, maha cadow baa ku soo dulaye kalayoo ka xoreysta ee waa wixii ugu fudadaa oo ah dhaqale ahaan miisaniyada dalka soo kaba taasna diyaar baanu la nahay qaarkeen waxeeynu sisanaa koob koofiya maalintii $6, hadeeynu kofigaa banaanka loo donanayo aynu iska deyno lacagtaasna aan dalkeena ugu deeqno waxeey noqoneysaa bishii $180 imagine qof kasta oo inaga mida haduu sidaas yeelo, tusaale kale bil walba waxeeynu bixinaa bilaal joogta ah sida kirada, ceymiska gaadhiga, cable/ka, internetka guriga, Telefonika gacanta iyo ka guriga, labadaayada, gadhi dhaqoow, biilka reerka ama qoyskaaga, ceymiska caafimaadka, raashinka, dharka (iwm) sidaa daradeed hadii  hal biil lagu daro oo ah ( kabista miisaniyada qaranka ) waxba inaga dhimi meyso waxaa weliba laga dhigi karaa automatic payment taas oo ah waxeey kala bixi karaan bil walba account/kaga ama debit/kaaga, Diyaar baanu u nahay, Guul iyo Gobonimo.