Ciidamo gadoodsan oo gaaray duleedka Muqdisho

Published: April 25, 2021

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya duleedka magaaalada Muqdisho Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa fariisimo ku yaala gobolka Shabeelaha dhexe ayaa u soo ruqaansaday dhinaca magaalada Muqdisho.

Ciidankan ayaa sida aan ilo wareedyo ku helayno waxa kasoo horjeedaan go’aankii Muddo kordhinta loogu sameeyay madaxda dowladda Federaalka waxaana lagu soo waramayaa in goor sii horeysay caawa ay gaareen duleedka magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Saraakiil uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage ay ku baxeen Ciidanka kana dalbadeen Saraakiisha hogaaminaysa in ay dib ugu laabtaan ciidankan fariisamahii ay ka yimaadeen oo ku yaala deegaanada Gobolka Shabeelaha dhexe.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco HM

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *