Dowladda Federaalka mala saari doonaa Cunaqabateyntii la saaray Militariga Mali?

Xukuumada Farmaajo ayaa kahor timid go’aankii kasoo baxay Golaha Nabada iyo Amaanka ee Midowga Afrika oo si adag uga horyimid muddo kordhintii 2da sano ahayd oo ay ku dhawaaqeen qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo xukuumada Farmaajo.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe oo shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay in go’aankii kasoo baxay Golaha Midowga Afrika uu yahay mid wax u dhimaya madax-banaanida dalka Soomaaliya, waa siduu hadalka u dhigayee.

Xukuumada Farmaajo ayaa ku dooday sida uu shaaciyey Dubbe in Midowga Afrika uusan cambaareyn karin go’aan kasoo baxay Baarlamanaka Soomaaliya, wuxuu sidoo kale sheegay in Ciidamada AMISOM oo la faray inay la socdaan dhaq dhaqaaqa ciidamada Federaalka ay dhaawac ku tahay go’aankaasi ciidamada Soomaaliyeed, halka uu sheegay inay soo dhaweenayaan Ergayga Midowga Afrika usoo magacaabeyso Soomaaliya.

African Solutions for African Problems

Maalmihii lasoo dhaafay oo ay xukuumada wakhtigeeda dhamaaday waday ollole cusub oo ay ku dooneyso inay ku xalaalsaneyso xil kororsiga ayaa ku dhawaaqeysay oraahda ah (African Solutions for African Problems) oo ah xeer Afrikaan in lagu xaliyo Arrimaha cakiran ee Afrika, arrintan oo looga gol lahaa in lagu fogeeyo dalalka Beesha Caalamka ee deeqda dhaqaale siiya Soomaaliya sida, EU, USA iyo UN.

Balse ollolahan ayaa noqday natiijo la’aan kadib markii safarkii Madaxweyne Farmaajo ku tagay Kinshasa iyo Shirkii Midowga Afrika kusoo dhamaaday in loogu baaqo inuu dib ugu noqdo wadahadalka lana fariisto Saamileyda Soomaaliya si loo qabto doorashada, iyadoo si qayaxan loo diiday muddo kororsiga Xildhibaanada iyo Xukuumada wakhtigoodu dhacay.

Farmaajo iyo xubnaha la shaqeeya ayaa ku eedeeyey warka kasoo baxay Midowga Afrika inay ka danbeeyaan dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Madax Banaanida Soomaaliya?

Marka laga yimaado hadalada Dubbe xaqiiqda jirta ayaa ah in Golaha Nabada iyo Amaanka Midowga Afrika loo dhisay inay tahay inuu ka hortagto wax walba oo wax u dhimaya Amniga Qaarada oo kamid ah sababaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loo keenay Soomaaliya.

Heshiiskii dalalka Afrika saxiixeen sanadkii 2002 ee lagu dhisay Golaha Nabad iyo Amaanka Midowga Afrika ayaa qodobada ugu horeeya ku qeexan yihiin in Golahan loo dhisay inay wakhti hore ka hortagaan xiisadaha Qaarada ka jira iyo arrimaha saameyn kara amaanka wadamada Afrika.

Waxaa sidoo kale Qodobka 3aad ee heshiiska dhismaha Golahan lagu xusay in ahmiyadooda ay tahay in la difaaco shacabka Afrika iyo hantidooda lagana hortago wax walba oo khal khal ku keeni kara amaanka guud.

Xukuumada Farmaajo ayaa u muuqata mid dooneysa inay u adeegsato hadalada afka baarkiis ah ee “…Madax banaanida Soomaaliya…” mid ay ku xalaalsaneyso xil kororsiga khilaafsan Dastuurta iyo heshiisyadii Qaranka, waana mid soo dadajin karta in Midowga Afrika qaado tilaabooyin dheeraad ah oo lamid ah cunaqabateyntii la saaray Xukuumadii Militarigii Mali ee awooda dalkaasi boobtay bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ee 2020.

Ururada Caalamiga ah ee Soomaaliya xubnaha ka tahay ayaa sidaan oo kale horey dalal badan ugu canbaareeyey falalka ay sameeyaan ee ka baxsan dastuurkooda, ama ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha, waxaana kamid ahaa dalalka PSC ay canbaareeyeen Suudaan, Mali, Marocco iyo qaar kale oo badan, laakiin waxaa muuqata in Xukuumadda Farmaajo oo adeegsaneysa DUBBE ay si weyn ugu ciyaartey diblomaasiyaddii dalka, sidoo kale ay hoos u dhigtey sumcaddii yareyd oo ay Soomaaliya ku lahayd ururada ay xubinta ka tahay.

Urur Gobaleedka dalalka Galbeedka Afrika ee loo yaqaan ECOWAS oo ay ciidamo ka joogaan dalka Mali ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Xukuumadii militariga Mali kadib markii ay xukunka ka tuureen xukuumadii la doortay, cunaqabateyntaasi oo la qaaday bishii Oktoober 2020 kadib markii Militari heshiis la gaaray xisbiyada siyaasada iyo mucaaridka dalkaasi oo ay wada dhiseen xukuumad Kumeel gaar ah oo soo diyaarisa Doorashada.

AMISOM iyo SNA

Golaha Nabada iyo Amaanka Afrika ayaa ugu baaqay AMISOM inay la socdaan dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Federaalka oo horey loogu eedeeyey in xukuumada wakhtigeeda dhamaaday si sharciga ka baxsan ugu adeegsato weeraro lagu qaaday siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho.

Hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (AMISOM) ayaa qorshahoodu ahaa in sanadka 2023 hawlaha amaanka ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya.

Qorshahan ayaa waxaa burbur ku keeni kara tafaraaruq ku yimaada ciidamada Soomaaliya oo hada qaarkood si cad uga soo horjeestay xil kororsiga Xukuumada Farmaajo iyo weerarada Villa Soomaaliya ku heyso siyaasiyiinta ku sugan caasimada Soomaaliya oo xiligan laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo hubeysan.

Sidoo kale ciidamo badan ay ka soo baxeen Shabeelada Dhexe kuwaas oo gudaha u soo galey habeenimadii Axadda magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa lagu wadaa in bisha soo socota ee MAY 2021 ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyaan warbixintooda ku aadan qiimeynta awooda ciidamada Soomaaliya oo qorshuhu ahaa inay xilka kala wareegaan, warbixintaasi oo laga yaabo in AMISOM uga hadasho xiisada hada ka jirta Soomaaliya.

Xukuumada Farmaajo oo horey ugu fashilantay hirgelinta Qorshihii Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada wada saxiixdeen ee dhismaha AMNIGA QARAN (National Security Architecture), ayaa hada qarka u saaran inay burbur ku keento qorshihii AMISOM awooda ku wareejin lahayd ciidamada Soomaaliya (Somalia Transition Plan (STP).

Mohamed Osman – Horseed Media