Midowga Musharaxiinta oo markale uga digay Farmaajo adeegsiga Ciidamada

Published: April 25, 2021

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa caawa war kulul kasoo saaray Weerar ay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ku qaadeen hoy ay Muqdisho ka dagan yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Golaha ayaa si adag u canbaareeyay weerarka waxaana ay markale ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta Ciidamada loo adeegsanayo danaha siyaasadeed iyagoona uga digay dowlada Turkiga in ay joojiso taageerada ay siiso Ciidanka Gorgor oo ah kuwa weerarka fuliyay.

Waa markii labaad oo Ciidanka Farmaajo ay weerar ku qaadaan deegaanka Xasan Sheekh Maxamuu iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labaduba kamid ah Midowga Musharixiinta ,Goluhu wuxuu cambaareynayaa caburinta iyo cadaadiska ay ku hayaan Ciidanka Farmaajo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho ee sida nabadda u mudaaharaadaya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay golaha

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *