Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Muqdisho iyo iska hor imaadyo ka socda

Published: April 25, 2021

Waxaa cakiran xaaladda amaan ee qeybo kamid magaalada Muqdisho iyadoo maanta ay kuwada dagaalameen Ciidamo ka gadoodsan Muddo kororsiga dowladda iyo Ciidamo ka amar qaata madaxweynaha mudada kororsaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Iska hor imaadyada ugu badan waxa ay ka dhaceen isgoysyada Fagax iyo Sanca halkaas oo ay saacado kooban la wareegeen Ciidamo Milatari oo markii hore kasoo baxay farisimo ay ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Dhexe,maantana gudaha u galay Muqdisho kuwaaso diidan go’aanka mudada 2-da sano loogu kordhiyay xilka madaxweyne Farmaajo.

Isla maanta shacab Careysan oo ay amnigooda sugayaan Ciidamada gadoodsan ayaa isugu soo baxay Banaanbax isgoyska Fagax dibadbaxaas oo ay ku diidan yihiin in xilka Muddo kororsi kusii hayo madaxweynaha xilkiisu dhamaaday mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Qaar kamid ah shacabka deggan xaafadaha ay saameeyeen xasaradaha ayaa bilaabay in ka qaxaan guryahooda sida laga dheehan karo sawiro lagu baahiyay Baraha Internerka ,waana bilowga dhibaatooyin horleh oo ay wajahaan shacabka Muqdisho tan iyo burburkii kadib.

Cabsi xoogleh oo la xiriirta in uu faraha ka baxo amaanka Muqdisho ayaa caawa ka taagan inta badan degmooyinka caasimadda waxaana xaafadaha hor leh lagu arkayaa Ciidamo kale oo Milatari kuwaasoo ka gadoodsan talaabada Muddo kororsiga.

Xaafadaha Caawa lagu arkayo Ciidamada waxaa kamid ah xaafadaha ku teedsan isgoyka Sayidka oo u dhow Madaxtooyada iyo isgoyska KM4 halkaas oo wararka qaar ay sheegayaan in iska hor-imaad uu ku dhexmarayo Ciidamada Milatari iyo kuwo Booliis ah.

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ee sameysatay muddo kordhinta ayaa horey looga digay in ay wadanka u horseedo qalalaase iyo dagaal sokeeye xili Beesha Caalamka iyo ururada Caalamiga ah ay kasoo horjeesteen talaabadda muddo kororsiga uguna baaqeen in la furo wadahadalka doorashada si xal wadajir looga gaaro ismari waaga taagan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *