Midowga Musharixiinta iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Kulan ku leh Muqdisho

Published: April 26, 2021

Midowga Musharixiinta Mucaaradka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee deggan xerada Xalane ayaa kulan deg deg ah uga arinsanaya xaalada cakiran ee ka taagan Muqdisho.

Kulanka ayaa lagu soo waramayaa in goordhow uu furmay ,waxaana ka qeybgalaya qaar kamid ah musharixiinta Mucaaradka ah, Wakiilada Beesha caalamka ayaa kala hadlaya Musharixiinta sidii loo qaboojin lahaa xaaladda cakiran ee Muqdisho oo dagaalo ay ka dhaceen shalay iyo ilaa xalay.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaalad amni darro ee magaalada Muqdisho iyo dagaalada dhexmaraya Ciidamada dowladda ee iska soo horjeeda.

La soco wixii wararee kusoo kordha kulanka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *