Rooble “Wadahadalku waa Wadada kaliya ee inoo furan

Published: April 26, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay iska hor-imaadyadii magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo kasoo horjeeda Muddo kororsiga dowladda iyo Ciidamo taabacsan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Rooble ayaa ku baaqay in Nabadda laga wada shaqeeyo,waxaana uu si dadban Mucaaradka ugu diray fariin ku aadan in wadahadal lagu dhameeyo colaadda taagan lagana baaqsado dhibaato saameyn ku yeelata Amniga Caasimadda.

Aad baan uga xumahay dhibaatadii lagu khalkhal galiyay amniga Caasimadda. Waxaan aaminsanahay in wadahadalku yahay xalka ugu habboon ee inoo furan, howshaaa oo aan bilaabay guulna ka rajeynayo.Aan ka wada shaqeyno nabadda iyo xasilloonida dalkeenna”. Ayuu yiri Rooble..

Ciidamada amniga ayuu faray in ay xaqiijiyaan sugidda amaanka kana hortagaan khatar kasta oo waxyeelo ku keeni karta Bulshada sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa imaanaya iyadoo qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ay gacan ku haynteeda xalay dagaal kula wareegeen Ciidamo kasoo horjeeda Muddo kororsiga madaxweynaha wakhti xileedkiisa dastuuriga uu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *