Waa sidee xaaladda Muqdisho kadib dagaalkii xalay

Published: April 26, 2021

Waxaa degan xaaladda magaalada Muqdisho kadib markii xalay ay dagaalo culus ku dhexmareen ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wadooyin ay kami tahay Wadada halbowlaha ah ee Maka Al-Mukarama ayaa saaka ku waaberiisatay Ciidamo Milatari oo ah Ciidamada kasoo horjeeda Muddo kororsiga sharci daradda ah ee loo sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday kuwaasoo la sheegay in ay fariisimo ciidan ka sameysteen Wadada oo xalay ay iska horimaad kagala wareegeen Ciidamada taabacsan madaxweyne Farmaajo.

Goobo kale oo ka tirsan degmada Howlwadaag ayaa lagu arkayaa Ciidamada Milatariga ee kasoo horjeeda muddo kororsiga waxaana wararku ay tibaaxayaan in Ciidamadan ay saldhigteen xaafadaha degmadaasi.

Muuqaalo saaka lasoo galiyay Baraha Bulshada ayaa lagu arkayaa difaacyo ay Ciidamada Milatari ka sameysteen isgoysyada Sayidka ,Maka Al-Mukarama iyo goobo kale kuwaasoo ay markii gacanta ku hayeen Ciidamada taabacsan Madaxweynaha mudada loo kordhiyay ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Cabsi xoogleh ayaa ka taagan degmooyinka uu saameynta ku yeeshay dagaalka u dhaxeeya xoogagan is-haya waxaana meelaha qaar dadku ay bilaabeen barakac maadama ay walwal xooggan ka qabaan in ay dagaaladu saameeyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *