Muqdisho oo Laga Barakacaayo Toban Sano Kadib

Published: April 27, 2021

Waxaa ka bilowdey qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho barakac baahsan, kadib markii dadka rayidka ah ay ka cabsadeen in korkooda lagu dagaalamo oo khasaaaro ka soo gaarto.

Waxaa ugu badan ee maanta la arkaayo ayaa ah gawaari sida furaashyo, caruur iyo hooyooyin ka soo baxsadey xaafadaha laga cabsi qabo in lagu dagaalamo.

Xaafadaha laga barakcaayo waxaa kamid ah Xaafadda Siigaale, agagaarka mowlaca Macalin Nuur iyo xaafaddo kale oo ku teedsan kana tirsan degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag.

Sanadkii 2011, markii uu Raysalwasaaraha ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u danbeysey dagaalo dadku ka barakacaan oo Muqdisho ka dhaca, wixii ka danbeeyey bixitaankii al-Shabaab bishii Agoosto 2011, waxay ahaayeen qaraxyo dadka lagu dhibaateynaayo, laakiin ma jirin ciidamo safeyn ah oo hubka kiisa culus isla dhaca.

10 Sano kadib oo uu xilkii Madaxweyne ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa Muqdisho ka bilowdey dagaalo siyaasadeed, kadib markii uu xafiiska isku dhejiyey muddo kororsi laba sano ahna samaystey, taas oo keentey in dadka rayidka ah ay guryahadooda isaga baxsadaan.

Farmaajo ayaa habeenkii xalay bilaabey in uu ciidamo badan keeno xaafadaha dagaalada looga cabsi qabo, sidoo kale waxaa jira ciidamo kale oo banaanka magaalada laga soo daabuley, waxaana uu ku goodiyey in uu soo afjarayo kooxaha diidan muddo kororsiga.

Baaqyo caalami ah ayaa loo jeedinayaa dhinacyada isku haya talada, waxaana loogu baaqey in dagaalku aanu xal ahayn ee dib loogu laabto wada hadalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *