Villa Somalia oo ku dhawaaqday inuu Farmaajo caawa la hadli doono shacabka

Published: April 27, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona bulshada, sida ay shaacisay Villa Somalia.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday inuu ka warbixin doono xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug galabta war saxaafadeed ay soo saareen ku qaadaceen muddo kororsiga hay’addaha dowlada federaalka, waxaana isla markiiba go’aankaasi taageeray raysal wasaare Rooble.

Warar hoose ayaa sheegaya inuu Farmaajo ka tanaasuli doono muddo kordhinta uu golaha shacabku u sameeyey, dib ugu laaban doono wadahadalkii iyo heshiiskii 17ki September.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *