Farmaajo oo sheegay Golaha Shacabka hortegaayo Sabtida

Published: April 28, 2021

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo xalay xili dambe kasoo muuqday muuq-baahiyaha ayaa sheegay mar kale in uu ku noqonaayo heshiiskii 17 Sept.

Farmaajo oo muddooynkii dambe wajahay cadaadis kala duwan ayaa sheegay in uu sabtida hortagayo Golaha shacabka ee mudadu ka dhamaatay isagoona tilmaamay in uu dalka dib u celinayo hannaankii doorasho ee lagu heshiiyay 17-kii September.

“Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Mudane Farmaajo ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dad gaar ah oo uu ula jeeday Siyaasiyiinta iyo madaxda ka aragtida duwan iyo dowlado shisheeye ay caqabad ku noqdeen heshiis laga gaaro arimaha doorashada ujeedkooduna uu ahaa in ay dalka galiyaan burbur iyo kala qeybsanaan si uu u dhaco firaaq dastuuri ah sida uu yiri.

Farmaajo ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka in si shuruud la’aan ah deg deg ah looga arinsado hirgelinta hanaanka dadban ee doorashooyinka ee lagu gaaray Muqdisho 17-kii September 2020.

“Waxaan dhammaan saxiixayaasha heshiiskii 17-ka Sebteembar ugu baaqayaa in si degdeg ah la isugu yimaaddo si looga wadahadlo hirgelinta heshiiskaas iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirayn”.

Hadaljeedinta Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhaamaday ayaa laga dheehan karaa sida uu ugu guuldareystay damaciisa hirgelinta go’aankii sharci daradda ahaa ee muddada labada sano ah loogu kordhiyay xilka ,waxaana muuqanaysa in uu dareemay culeys weyn oo uga yimid Wadamada Caalamka ee taageera Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *