Qiyaastii Boqol kun oo qof oo ku barakacay muddo kororsiga Farmaajo

Published: April 28, 2021

Qiyaastii lixdan kun ilaa boqol kun oo qof ayaa guryahoodi uga barakacay xiisadda ka dhalatey muddo kororsiga Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xogta tirada ayaa laga soo xigtey Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Dadka ku baracay muddo kororsiga Farmaajo ayaa badankood guryahoodi isaga baxeen 25 Abril kadib markii uu jihooyin kala duwan dagaal ka furey.

Cesar Arroyo oo ah isku dibridaha arrimaha bini’aadanimada ee Soomaaliya ayaa yiri, waxaan aad uga welwelsanahay amniga Muqdisho, kaas oo durba sababey in dad aad u badan oo rayid ah ay rabshadaha isaga baxsadaan.

Raysalwasaare Rooble ayaa maanta ugu baaqey in dadku guryahooda ku soo laabtaan, laakiin ma muuqato saansaan ay ugu soo laabanayaan, waxaana la wada sugaya sida xaalku noqdo maadaama khudbaddii Farmaajo ay noqotey mid aan waxba soo kordhin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaan ahaa saraakiishi militarigi somaliya waxaan u imid training wadankan 86 malaabanin anigo diidaayay inaan ka qaybgalo dagaaladi sokeeye intii ka dambaysay isma odhanin ku laabo ciidanki hada ka hor maanta markaan arkay gabadhan soomaaliyeed ee baqanaysa ee xambaarsan intay qaadi kartay waxay lahayd maradana ku dhagantahay gabadh yar oo xambaarsan mid yar oo kale waxaan leeyahay waa in meel looga soo wada jeedsado kuwan raba xoog inay wax ku xukumaan ama xamar gubato wixii dhiig lahaw kaca forget qabiil