Rooble oo la kulmey ganacsatada Muqdisho

Published: April 29, 2021

Raysalwasaaraha xukuumadda xil-gaarsiineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa weli wada dedalada uu doonaayo in uu qaato doorkiisa siyaasadeed ee dastuurku siinaayo isla markaana hoggaamiyo doorashooyinka iyo amniga ayaa kulan la qaartey Ganacsatada gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa ku weheliyey madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-shabelle oo dhawaan ka horyimid muddo kororsigii Farmaajo.

Kulanka ayaa looga hadley sidii ganacsatada gobolka Banaadir ay kaalinteeda sugidda amniga iyo xasilinta magaalada Muqdisho u qaadan lahaayeen, sidoo kale sidii loo caawin lahaa dadkii barakacay sidii ay dib ugu laaban lahaayeen guryahoodi.

Ciidamadii ka gadoodey muddo korrosiga ayaa weli ku sugan xaafadihii ay qabsadeen todobaadkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *