Shariif Sh. Axmed: “Muddo Kordhintii uu sameeyay Baarlamaanka waxay dhashay dhiig daata

Published: April 29, 2021

Madaxweynahii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo isbadaladii ugu dambeeyay ee dhacay.

Shariif ayaa shir jiraa’id oo uu qabtay ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaalkii ka dhacay maalmo ka hor magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in arimahaasi ay horey uga digeen in ay dhacaan.

Waxa uu bogaadiyay hadalkii kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Rooble ee hirgelinta doorashada isagoo ku tilmaamay mid qaboojiyay marxaladdii adkeyd ee maalmo ka hor ka taagnayd Muqdisho maadama uu sheegay in go’aankii Baarlamaanku ee muddo kororsigu sababay dagaal iyo dhiig daato.

“Mudo Kordhinta uu sameeyay ayaa sababtay dhimasho,dhaawac iyo barakac, wixii laga digeyay inay sax ahaayeen ayaa muuqatay, shalay waa la soo doortay hadana fursad ayay leeyiiin balse heli maayaan haddii ay dowladnimada meesha ka baxdo”

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xalka kaliya ee xiligan uu yahay heshiis laga gaaro arimaha doorashada isagoo ka digay in xal lagu raadiyo adeegsiga Ciidamada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *