UK oo war kasoo saartay isbadaladii siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya

Published: April 29, 2021

Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho ee sababay barakaca dadka rayidka iyo dhacdooyinkii siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya gaar ahaan go’aankii kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble

UK ayaa sheegtay in muhiim ay tahay qabashada doorasho lagu wada qanacsan yahay taasoo xasilooni iyo amni u horseedaysa dalka.

“Amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya Darteed iyo Horumarka waa in la qabtaa Doorashada sida ugu macquulsan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay UK.

Dowladda UK ayaa dhanka kale bogaadisay Hadalkii kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta dowladda Federaalka Maxamed kaasoo uu ku sheegay in uu ka shaqeynayo hirgelinta doorasho ka qabsoomta dalka.

“Waxaan ku amaaneynaa Ra’isulwasaare Rooble iyo xubnaha Dowlad goboleedyada diidmada ay ka muujiyeen Arinta Mudo kordhinta waxaana ugu baaqeynaa madaxweyna iyo Dowlad Goboleedyada iney bilaabaan wadahadalada Shuruud la,aan”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *