Booliiska Somaliland oo toogtay libaax ka baxsaday goob lagu xanaaneeyo xawaanada-SAWIRO

Published: April 30, 2021

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa saaka toogasho ku dilay Libaax ka baxsaday Beerta lagu xanaaneeyo xawaanadda ee ku taala Hargeysa kaasoo uu xanaaneysan jiray Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Somaliland Cali warancadde.

Libaaxan ayaa xalay walaac xooggan ku abuuray bulshada kunool magaalada Hargeysa kadib markii uu gudaha usoo galay magaalada taasoo keentay in uu hakad ku yimaado isku socodkii gaadiidka,ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqii bulshada magaalada Hargeysa.

Sarkaal u hadlay Ciidanka Booliiska Somalialnd ayaa sheegay in tan iyo xalay ay kujireen baadi-goobka Libaaxan baxsadka ah iyadoona uu tilmaamay in Ciidanka ay u suurtagashay in hiirtii waaberi ee saaka ay helaan Aarkan Libaaxa ah kadibna ay toogtaan.

Waxa uu sheegay in toogasho kadib ay gubeen meydka Xayawaankan si aanu u waxyeelayn caafimaadka iyo badqabka Bulshada.

Libaaxan ay ciidamada toogteen ayaaa xalay dhaawac gaarsiiyay haweenay kasoo jeeda qowmiyadda Oromo ah oo kunool magaalada Hargaysa ,bulshada kunool magaalada caasimadda u ah Somaliland ayaana soodhaweeyay talaabada ay ciidanku ku dileen Aarkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. War waxa cawaanta Savageska ah bal arka, Libaax baa meel lagu hayaa mana haystaan Cirbad lagu suuxiyo optionka kaliya ay haystaan waa dil