Cabdiweli Gaas: “Farmaajo wuxuu wakhti badan ku lumiyay la dagaalanka Federaalisimka

Published: April 30, 2021

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa sheegay in madaxweynaha muddada kororsaday ee Farmaajo uu wakhti badan ku lumiyay la dagaalanka nidaamka Federaalisimka ee Soomaaliya ay qaadatay.

Waxa uu sheegay in dowladd mudo xileedkeedu dhamaaday ee uu hogaamiyo Farmaajo ay weerar toos ah ku qaaday Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyadoo ujeedkeedu ahaa in madaxda laga dhigo kuwo aan awood lahayn oo u dhigma gudoomiye goboleedyo (governer).

Farmaajo wuxuu wakhti badan ku dhumiyay in uu la dagaalamo Nidaamka Federaalismka,madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayuu yiri governatooro ayaan ka dhigaya marka siyaasad ahaan waxa uu ku lumiyay waxaan sax ahayn”

Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Ra’iisul Wasaarihii dowladii kumeelgaarka Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in dowladda wakhtigeedu dhamaaday ee Farmaajo ay sidoo kale dano siyaasadeed u isticmaashay Ciidamada halkii la rabay in lagula dagaalamo Alshabaab lagana xoreeyo deegaanada ay haystaan Argagaxisada.

Ciidanka mushaharkooda in ay helaan waa sax lakiin ciidanka wuxuu noqday Ciidan uu shakhsi loo isticmaali karo mararka qaarkood fikir waxaaba jira oranaya ilaa siyaasada laga heshiinayo Ciidanka xooggaas leh inaysan tababar u ahayn ayaaba dhici karta marka ciidanku waxay ahayd inuu la dagaalamo Alshabaab ilaa inta ay yimaadeen ilaa hada ma iisheegi kartaa hal tuulo oo laga xoreeyo Alshabaab waa maya” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *