Kenya oo dib u dhigtay go’aankii ay ku xiri lahayd Xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma

Published: April 30, 2021

Dowladda Kenya ayaa dib u dhigtay qorshe ay doonaysay in ay albaabada isugu laabto Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay kunool yihiin dad ku dhow nus Milyoon qof.

Kenya ayaa sheegtay in go’aanka xiritaanka xeryahan qaxooti la fulin doono 30-ka bisha June ee sanadka soo socda 2022 sida uu sheegay Wasiirka Amniga dalkaasi.

Bishii March ayay Kenya ka codsatay Qaramada Midoobay in muddo laba todobaad ah ay kula timaado hannaankii lagu xiri lahaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo qof.

Fred Matiangí oo ah wasiirka Amniga Kenya ayaa magaalada Nairobi kula shiray madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi iyadoona labada dhinac ay isla garteen in hannaanka lagu xirayo xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma la bilaabo 5-ta bisha May ee sanadka 2022-ka.

DHADHAAB

Is-afgaradka Qaramada Midoobay iyo Kenya waxaa qeyb ka ah in aan cidna qasab lagu rari karin isla markaana dadka qaxootiga ee kunool xeryahan ay si iskood dalkooda ugu laaban karaan.

Sidoo kale is-afgaradka waxaa qeyb ka ah in Qaxootiga la siiyo shati ay uga shaqaysan karaan ama ku degi karaan dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika hadii aanay rabin in ay ku laabtaan dalkooda hooyo.

Si kastaba Kenya ayaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay martigelinaysay dad Sooomaaliyeed oo ka barakacay colaadihii sokeeya ee ka qarxay dalka kuwaasoo qaab qaxootinimo ku galay xeryahan iyadoona mudadaas intaas le’eg ay nolol ku qaateen xeryahan Dhadhaab iyo Kaakuma.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *