Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Hoose oo la burburiyay

Published: April 30, 2021

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Milatiriga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamo ka tirsan xoogga dalka ay howlo ku burburiyeen saldhigyo Alshabaab ay ku lahaayeen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Warka kasoo baxay Taliska Ciidanka ayaa lagu yiri:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen deegaannada Mubaarak, Daarusalaam, iyo Isoo-mareey oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose kuwaasi oo ay ku bur buriyeen goobo argagixisaddu ku diyaariyaan qaraxyada.

Howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay ururka 3-aad guutada 17-aad kumaandooska Xoogga ee gaar ahaan kuwa Gor-gor waxaana sidoo kale hogaaminyay G/le Suulnuuge Taliyaha Ururka 3-aad guutada 17-aad kumaandooska Xoogga ee Gor-gor iyo Cabdulaaha Mustaf Cali Madaale Qaran.

Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay bur buriyeen goobo badan oo ay argagixisadu si dhuumaleysi ah uga farsamey jireen qaraxyada si ay ugu dhibaateen shacabka Soomaaliyeed.

Muhiimada howlgalka ayaa ahaa in gabi ahaamba Cadowga laga ciribtiro Degaanada hoostaga Degmada Awdhegle ee Gobalka Sh/hoose.ayuu yiri Taliyaha ururka 3-aad guutada 17-aad ee kumaandooska ciidamada Gor Gor.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *