Kulankii Baarlamaanka Golaha Shacabka wakhtigeesi dhamaaday Oo furmay

Published: May 1, 2021

Kulankii ay u balansanaayeen xildhibaanada wakhtigoodu dhamaaday ee Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay ka furmay xarunta ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa xaadir ku ah xiligan xarunta waxaana goordhow la filayaa in uu la hadlo madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Farmaajo oo 28 April habeenimo shaaciyay in uu hortagayo Golaha shacabka ayaan la ogeyn go’aanka uu la shir tagi doono xili ay ku gadaaman yihiin duruufo siyaasadeed iyo mid cadaadis uu isaga kasbaday.

Hase ahaatee hadaljeedintiisii habeenimo ee Arbacadii 28-kii April waxa uu ku shaaciyay in uu xildhibaanada wakhtigu ka idlaaday uu dib ugu celin doono hanaankii doorashada dadban ee 17-kii September lagu heshiiyay magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *