Madaxweyne Deni oo hambalyo u diray Shaqaale weynaha Puntland

Published: May 1, 2021

Garoowe: 01 May 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda 1-da May oo ah maalinta Shaqaalaha adduunka, wuxuu u hambalyeeyay Shaqaalaha Puntland.

Munaasabadda maalinta Shaqaalaha darteed, waxaan u hambalyeenaya Shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Puntland oo lafdhabar u ah horumarka socda.

Waxaan bogaadinaya shaqaalaha ku jira furimaha hore, sida wiilasha iyo gabdhaha ka shaqeynaya Amniga iyo la dagaalanka COVID-19“.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in sanadkan uu kusoo aaday iyadoo shaqaalaha Puntland la tirakoobay loona diyaariyay qorshihii kor loogu qaadi lahaa xirfadahooda iyo mushaharaadkooda.

Sanadka waxay Shaqaalaha Puntland munaasabaddu ugusoo aaday iyadoo la tirakoobay Shaqaalaha, lana diyaariyay qorshaha kor u qaadista xirfadooda iyo kordhinta mushaharaadka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *