Mareykanka iyo EU-da oo si wadajir ah u soo dhaweeyay go’aankii lagu laalay Muddo kororsiga

Published: May 1, 2021

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay go’aankii ay Golaha shacabka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ay dib uga laabteen muddo kororsigii labada sano ee horseeday qalalaasaha iyo xasilooni daradda.

Dowladda Mareykanka oo soodhaweysay talabaadan waxa ay sheegtay in muhiim ay tahay in Ra’iisul Wasaare Rooble qaato doorkiisa ku aadan hirgelinta Doorashada sida ugu dhakhsiyaha badan.

Waxaan soo dhawaynaynaa in Ra’’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaato Doorkiisa hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto“.

Dhinaca kalena Midowga Yurub oo bogaadiyay go’aanka lagu laalay muddo kororsiga sharic daradda ah ayaa Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ku booriyay in uu wadatashi la galo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo saamileyda Siyaadda si looga dhabeeyo geedi socodka doorashooyinka dalka.

Si kastaba ha ahaatee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga war sugayaa sida uu u maareeyo qabsoomidda doorasho dalka ka dhacda taasoo xiligan ahmiyad weyn u leh amaanka iyo xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo horey u sameystay muddo kordhin sharci darro ah ayaa maalmo adag oo uu la kulmay culeysyo iyo cadaadis kala duwan ka laabtay go’aankii sharci daradda ee uu muddo kororsiga ku sameystay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *