Midowga Musharixiinta oo digniin culus u diray Golaha Shacabka

Published: May 1, 2021

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ka hadlay kulanka beri ay yeelanayaan xildhibaanada wakhtigoodu dhamaaday ee Golaha shacabka kaasoo uu ku hortagayo madaxweynaha muddo kororsiga sameystay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa looga digay Golaha shacabka in uu maalinta Beri ah qaado talaabo lagu dibin daabyeynayo xasiloonida iyo geedi socodka Doorashooyinka si lamid ah sidii ay 12-kii April u qaatay go’aankii sharci daradda ahaa ee muddo kordhinta loogu sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee xiligan hortaagan heshiis laga gaaro arimaha doorashooyinka uu yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana ay ugu baaqeen in uu faraha kala baxo howlaha doorashooyinka isla markaana uu baneeyo kursiga uu sharci daradda ugu fadhiyo Villa Somalia.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta ayuu golaha ugu baaqay in uu la wareego hanaanka loo maareynayo qabsoomidda doorashada iyo sugidda amniga talaabadaasi oo sahlaysa dib u habeynta iyo kalsooni dhisidda Ciidanka kala qeybsamay ee xoogga dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *