“Farmaajo ma tanaasulin ee Dhashiikaha dushiisa ka dhacaya ayaa dhegaha u furay.

Published: May 1, 2021

Proffesor Xasan Sheekh Nuur oo si aad ah u falanqeeya arimaha Siyaasada ayaa ka hadlay suurtagalnimada waxyaabaha keenay in uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka laabto go’aanka sharci darrada ahaa ee loogu sameeyay muddo kordhintii ahayd labada sano.

Proffesorka oo wareysi gaar ah siinayay Telefishinka RTN oo kamid ah Telefishinada gaarka loo leeyahay ayaa waxa uu sheegay in Farmaajo aanu tanaasulin hase ahaatee uu dareemay culeys amni oo uga yimid dhinacyo kala duwan gaar ahaan Ciidamada kasoo horjeestay damaciisii ahaa muddo kororsiga.

Maanta Farmaajo wuxuu sameeyay waxa ay ahaayeen masrixiyad iyo Ruwaayad ay dhigeen isaga iyo wax lagu sheegay Golaha shacabka oo sharci darro ay 12-kii April sameeyeen ayay yiraahdeen waan ka laabanaynaa waxaana cadeynaya in heshiis sharci ahaa oo horey ay u ansixiyeen ay dib ugu laabteen”.

Proff.Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Dhashiikayaasha iyo Zuugga korkiisa ku dhacayay ayaa dhagaha u furay Farmaajo ee wax uu tanaasulay majirto waxa tanaasulay waa Kumaaandooska ka horyimi damaciisii una heelan in ay darbiga uga daataan iyo zuugga korkiisa ka yeeraayay ee Farmaajo ma tanaasulin.

Proff.Xasan Sheekh ayaa sheegay in xiligan Farmaajo uu ku khasban yahay in uu qaato heshiis kasta oo laga gaaro arimaha doorashada maadama uu buu yiri uu guuldareystay qorshihiisii ugu weynaa ee ahaa muddo kororsiga labada sano ee sharci daradda ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *