QM: “Waa in madaxda Soomaalida ay u dib ugu laabtaan wadahadalka

Published: May 1, 2021

Qaramada Midoobay ayaa soodhaweysay go’aankii Golaha shacabka wakhtigiisu dhamaaday uu dib uga laabtay go’aankii Muddo kororsiga uuna soo celiyay heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa u qornaa:

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa go’aanka baarlamaanka Federaalka ee dib loogu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebteembar, kadib codsiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed in ay dib u bilaabaan wadahadalka ayna u diyaargaroobaan doorashooyin aan dib u dhac ku imaan.

Qaramada Midoobay waxa ay ugu baaqeysaa madaxda Soomaalida in ay dib ugu laabtaan wadahadalka oo ay u diyaar-garoobaan doorashooyinka dib u dhac la’aan; iyadoo la soo dhoweynayo doorka hoggaamineed ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo matalaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *