Roobab saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka wadada xiriirisa Boosaaso iyo Carmo

Published: May 2, 2021

Roobab Mahiigaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaanka Ceeldaahir ee hoos yimaada degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka iskaga kala gooshi jiray magaalada Boosaaso iyo gobolada dalka.

Daadad xoog leh ayaa kusoo rogmaday togga Durdur ee mara deegaanka Ceeldaahir waxaana uu hakad geliyay isku socodka gaadiidka wadada xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo.

Roobabkan oo si xiriir ah u da’ayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa togga kusoo sii daayay biyo badan taasoo keentay in ay xiranto wadada dheer ee laamiga ee xiriira magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo maadama uu dhexmaro togga Durdur ee deegaanka Ceeldaahir sida ay xaqiijiyeen darewalada ku safra wadadan.

Xirnaanshaha wadadan ayaa durba saameyn ku yeelatay Gaadiid badan iyadoo lagu soo waramayo in ay ku xaniban yihiin togga ay biyuhu qul qulayaan isla markaan ay adag tahay in labada dhinac laysaga gudbo .

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *