Rooble oo shaaciyay xiliga uu qabsoomayo shirka looga arinsanayo arimaha doorashooyinka

Published: May 2, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XIlgaarsiinta Soomaaliya ayaa iclaamiyay shirka arimaha doorashooyinka ee uu gogosheeda u dhigayo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Rooble ayaa shaaciyay in shirka uu furmayo 20 bishan May uuna ku casuumayo Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan ayuu xalay shaaciyay Rooble in uu dib kasoo sheegi doono xiliga uu furmayo iyadoo aan la ogeyn sida ay Dowladaha xubnaha ka ah u aqbali doonaan casuumaada uu u fidiyay xili weli qeybtood aanay cadeyn mowqfika ay ka qabaan isbadalka siyaasadeed ee dhacay saacadihii tagay ee Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta loogu wareejiyay hogaaminta arimaha doorashada si aan muuqan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment