Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergay ka socda Qadar-SAWIRO

Published: May 2, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Multaq Alqahtani.

Sida lagu daabacay bogga xafiiska Ra’iisul wasaaraha ,labada dhinac ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Ergaygan oo shalay soo gaaray Soomaaliya ayaa kulamo looga arinsanayo arimaha doorashooyinka kawada magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in uu saacadaha soo socda kulamo la yeesho dhinacyada ku kala aragti duwan arimaha doorashooyinka sida Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ,xubnaha midowga Musharixiinta iyo dhinacyada kale daneeya dalka.

Qadar ayaa kamid ah dowladaha sanadihii ugu dambeeyay galaangalka xooggan ku lahayd arimaha gudaha ee Soomaaliya iyadoo la aaminsan yahay in ay door xooggan ku leedahay isdiidanka siyaasadeed ee dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *