DR Congo: Imaam Masjid oo la toogtay xili uu salaad tujinayay

Published: May 3, 2021

Imaam caan ka ahaa bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa la toogtay xili uu masjid ka tujinayay salaadd makhrib.

Sheekh Cali Amiin, oo ahaa imaamka la toogtay ayaa lagu toogtay masjidka weyn oo kuyaala magaalada Beni ismaamulka Edo State e bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Sida uu sheegay mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha Nin hubeysan ayaa toogtay Imaamka xilli lagu jiray salaadii maqrib waxanaa la sheegay in uu ka dib baxsaday, .

“Waxay dhacday abaare 19:15 salaadii maqrib. Rasaas ayaa ka dhacday gudaha masjidka oo lala beegsaday imaamka. Ninkii hubeysnaa waa uu baxsaday maadaama uu banaanka hore ee masjidka uu ku sugaayay qof watay mooto ,” ayuu yiri Stewart Muhindo, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in Imaamka la toogtay uu ahaa nin si adag u dhaleeceeya xagjirnimada islaamka ee ka jirta gobolka kuwaasoo lagu sumcad islaamka .

Dilka Imaamkan Masjid waxa uu yimid xili maalmo ka hor weerar qorsheysan lagu dilay dad gaaraya 20 qof kaas oo ay geysteen Jabhadda ka dagaalanta Bariga dalkaas ee ADF.

Bariga DR Congo waxaa si xun u saameeyay dilal iyo xasilooni daro, waxaana intaasi u dheer weeraro ay ka geystaan kooxda la baxday Dowladda Islaamka (ISIS) iyo
kooxo hubeysan oo weeraro ka geysta bariga dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *