Isku socodka Wadada isku xirta Boosaaso iyo gobolada oo dib u furmay-SAWIRO

Published: May 3, 2021

Isku socodka gaadiidka wadada xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo ayaa dib u furmay kadib markii Togga DurDur oo dhexmara deegaanka Ceeldaahir uu biyo badan kusoo fatahay wadada taasoo keentay inuu hakad ku yimaado isku socodkii gaadiidka.

Masuuliyiinta degmada Carmo iyo Taliska Ciidanka Booliiska gobolka Bari ayaa habeenimacii xalay ka howlgalay sidii dib loogu furi lahaa wadada iyadoona lagu guuleystay in gaadiid cagafyo ah iyo booyado lagaga nadiifiyo biyihii xiray Wadada ee togga DurDur.

Gaadiid badan oo ku xanibnaa wadada isla markaana sida badeecada ganacsi iyo xoolo farabadan ayaa xalay ka gudbay wadada.

Sanad kasta marka la gaaro xili roobaadka waxaa wadada dheer ee xiriirisa gobolada dalka ee marta deegaanka Ceeldaahir saameyn ku yeesha Biyaha ay roobabku keenaan maadama ay kusoo dhacaan Togga Dur Dur oo bartamaha ka mara wadada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *