Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta oo hambalyo u diray Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Published: May 3, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya ayaa saxafiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka 3 May oo maanta ku beegan.

Rooble ayaa ku ammaanay saxafiyiinta Soomaaliyeed kaalinta ay kaga jiraan u adeegidda shacabka iyo siinta xogaha ay u baahan yihiin.

Waxa uu ballan qaaday in xukuumadda uu hogaamiyo ay difaaceyso xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *