Burkina Faso: Dabley hubeysan oo weerar ku dilay ku dhawaad 30 ruux

Published: May 4, 2021

Kooxo hubeysan oo looga shakisan yahay inay yihiin jihaad doon ayaa bariga dalka Burkina Faso ku dilay ku dhowaad 30 ruux, sida ay sheegeen ilo wareedyo dhanka amniga ah oo ku sugan dalkaasi.

Weerarkan ayaa ka dhacay subaxnimada hore Isniintan tuulo caan ku ah beeraha iyo macdanta oo lagu magacaabo Kodyel isla markaana ku taala gobolka Komandjari ee bariga dalka Burkina Faso ,dableyda ayaa sidoo kalena la sheegay in ay gubeen guryo ku yaalay tuuladan.

Weerarkan oo lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee deegaankaasi ka dhaca ayaa kusoo beegmaya kadib markii todobaad ka hor kooxo kasoo horjeeda ugaarsiga duurjoogta ay dileen labo wariye oo u dhashay dalka Spain kana howlgala warbaahinta Yurub iyo nin u dhashay dalka Irlan oo ka shaqeeya arimaha deegaanka.

Ma jirto weli cid sheegatay masuuliyadda weerarkan ka dhacay bariga wadankan ku yaala galbeedka Afrika ee Burkina Faso marka laga soo tago dhimashada weerarkan waxaa jira dad ka badan 20 ruux oo dhaawac uu kasoo gaaray.

Deegaanada ku yaala bariga dalka Burkina Faso ee ku teedsan xadka dalkan uu la wadaago wadamada Mali,Niger iyo Benin ayaa hoy u ah duurjoog farabadan iyadoo Koox hubeysan ay deegaanadaasi ka faa’iideystaan kheyraadka macdanta iyo duurjoogta ay caanka ku yihiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *