Buundo muhiim u ah isku socodka magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho oo go’an

Published: May 4, 2021

Buundada Qayaadsame oo katirsan deegaanka Alxamdulilaah,iskuna xirta Gobolada Karkaar iyo Bari ayaa caawa go’aan kadib markii ay gooyeen roobab saacadihii lasoo dhaafay da’ay.

Buundadan ayaa muhiim u ahayd isku socodka magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ,gaadiidleyda ku safarta ayaana la faray inay hakad galaan adeegsigeeda si aanay khasaare uga soo gaarin maadama ay go’an tahay.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha maxaliga ee ka howlgala gudaha Puntland ayaa ku wargeliyay gaadiidleyda inay joojiyaan isku socodka wadadan isku xirta gobolada Bari iyo Karkaar inta dib looga furayo.

Roobab xoog leh oo da’ay xalay ayaa sababay in biyo badan kusoo rogmadaan Buundada isla markaana ay go’do Buundadan oo ku taala meel goolado badan oo wareeg ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *