Ergayga gaar ah ee Qadar Mutlaq Al-Qaxtaani oo Muqdisho kawada kulamo kala duwan

Published: May 4, 2021

Waxaa maalintii afaradaad magaalada Muqdisho ku sugan Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Qadar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka Argagaxisada Mutlaq Majed Al-Qaxtaani.

Ergaygan iyo wefdi la socda ayaa safarkooda Muqdisho waxa uu la xiriiraa sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen dhinacyada ku kala aragti duwan siyaasadda ee uu ka dhaxeeyo ismaandhaafka arimaha doorashada.

Al-Qaxtaani ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho waxa uu la kulmay hogaamiyayaasha siyaasadda sida Ra’iisul Wasaaraha ,Xubnaha Midowga Musharixiinta iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir kuwaasoo uu dhamaantood kala hadlay arimo ku saabsan sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada oo dhaaftay wakhtigii loogu talagalay.

Dowladda Qatar oo kamid ah dowladaha galaangalka ku leh siyaasadda iyo arimaha Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku doonayso in ay ku balaariso damaceeda ku aadan faragelinta arimaha masiiriga dalka ,waxaana sida lawada ogyahay ay xiriir la leedahay madax sare iyo xubno badan oo kamid ah dowlada uu wakhti xileedkeeda dastuuriga dhamaaday ee Federaalka.

Ergaygan ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isagoona sidoo kale la kulmi doona musharixiinta mucaaradka si gaar ah kuwa aanu weli la kulmin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Taariikh Kooban Kacaankii 1969 ilaa Maanta 2021.

    Somaliya iyo 1969 waxaa si afgambi ah oo dhiig ku daadan kula wareegay dalkii koox askar ah lana magacbaxday kacaankii uu hogaaminayey Siyaad Barre. Laakiin uu dhiig badan gadaal ka daadiyey oo aan la mahdin. Kacaanku wuxuu joogay muddo 20 sano ah. Waddankiina waa dhisay, nasiib darro waxaa ku kacay jabhado qabiileysan oo aakhirkii ka tuuray hogaankii mudada dheer uu ku xukumayey dalka.
    Kacaanku runtii kalitalis buu ahaa, markii xaaladii waddanku xumaatay oo ay gaartay meeshii ugu danbeysay ayaa odayaal iyo waxgarad kacay, waxay ka codsadeen in uu dalka badbaadiyo oo uu xukunka wareejiyo, nasiibdaro ma dhicin oo sida caadiga ah dunida qofka kalitaliska ah waxba lagama dhaxlo aan burbur ahayn.

    Jabhadihii mid ka mida ah sida USC ayaa xukunkii ka cayrisay ayagiina lama mahdin oo xukun degdeg ah waa dhisi kari waayeen sababtoo ah horaan waxba ugu soo diyaarsaneyn. Sidaas ayaa dalkii sodon sano la soo dhisayey marqura lagu burburiyey.

    Waxaa la galay fawdo iyo dawlad la’aan. Waxaa la burburiyey hantidii waddanku lahaa qaasatan kacaanku soo dhisay, warshado iyo hanti xafiisyo dhammaan.

    Waxaa la dhisay dawlad ku sheeg uu hogaaminteeda lahaa MW Ali Mahdi mase shaqeyn.

    Dawlada Jabuuti waxaa lagu soo dhisay sanadii 2000 dawlad uu hogaaminteeda la wareegey MW Abdiqasim Salaad Hasan nasiib darro waxay ka soconweysay dagaal oogayaal Xamar joogay. Waqtigaas waxaa aasaasmay Maxaakiimta waxayna sifeeyeen Xamar. Runtii haddii aysan Maxaakiimtu sifeeyeen Xamar dawlad kale kama suurtogasheen Xamar, waana ku amaanan yihiin.

    Shirkale baa laga abaabulay Kenya sanadkii 2004 kaas oo ahaa shirkii ugu waqti dheeraa dunida. Waxaa lagu dhisay dawlad uu hogaaminteeda lahaa MW Abdullahi Yusuf Ahmed wuxuu dhidibada u taagay dawladiina fariisiyey meeshii uu kacaanku fadhiyey ee Villa Somalia. Runtii uma suurtogalin MW Abdiqaasim oo Xamar joogay in uu fariisto. MW Abdullahi Yusuf asagoo waqtigiisii dhameysan waa iscasilay.

    Waxaa la wareegay MW sh Shariif sh Ahmed bacda hawl afar sano ka dib wuxuu xukunkii ku wareejiyey MW Xasan shiikh. Bacda hawl afar sano ka dib 2017 wuxuu xukunka ku wareejiyey MW Farmaajo.

    Runtii qori isku dhiibkaas baa hawshu ku socotay MW kastana wixii uu qaban karey qabtay. Nasiibdarro markii uu waqtigii ka dhammaaday MW Farmaajo wuxuu isku dayey in uu ku darsado 2 sano kacdoon ciidameysan baa ka horyimid taas oo waddankii ku sigtay in uu burburo oo ku laabto meel laga keenay 20 sano ka hor. Haddana xaaladu ay taagan tahay oo meel la aado la garan kariwaayo. Allow sahal amuuraha.

    Waxaan ku talin lahaa sidii loogula taliyey MW Siyaad Barre 1991 in uu xukunka wareejiyo oo waddanka badbaadiyo.

    Sidoo kale MW Farmaajo in uu xukunka wareejiyo oo waddanka badbaadiyo.

    MW Farmaajo runtii wuxuu yimi waqti waddan iyo shacab wada shaqeynaya maantana waddan qaybsamey iyo shacab qaybsamey bay arrintu taagan tahay.

    Marlabaad waxaan ku talinlahaa in
    MW Farmaajo in uu xukunka wareejiyo oo waddanka badbaadiyo.

    Go’aankii Hirshabeele, Galmudug iyo mudane Rooble wuxuu u muuqday go’aan lawada gaaray ama heshiis lagu ahaa oo MW Farmaajo ku jiray maadaama ay soconweyday ku darsigii 2 da sano.
    Khudbadii MW Farmaajo waxay ahayd is amaanid iyo garowshiyo la’aan habeenkii 28/04/2021 dhibkii dhacay iyo qaxii shacabka Somaaliyeed.

    Muwaadin maxaa xal ah?!!

    Ahmed, from London