Ethiopia oo dhagax dhigtay Saldhig ay yeelanayaan Ciidamadeeda Badda

Published: May 4, 2021

Dowladda Itoobiya oo mudooyinkii dambe ku howlanayd dhismaha ciidan Baddeed ay yeelanayso ayaa maanta dhagax-dhigtay Saldhig ciidan oo ay yeelanayaan Ciidamada Badda Itoobiya.

Saldhiggan ciidan ayay dowladda Etrhiopia ka dhagax-dhigtay magaalada Bishoftu ee gobolka Oromada ,Taliyaha Ciidanka Badda Ethiopia Gen.Jula ayaa sheegay in Saldhiggan uu ahmiyad weyn u leeyahay kobcinta awoodda ciidan badeed ee Ethiopia.

Ethiopia ayaa soo bandhigtay Astaan iyo lebbis cusub oo ciidankaasi loogu talo galay kuwaasoo ay kaga qeybgalayaan howlgalada ciidan ee badaha Afrika.

Dalka Ethiopia ayaa kamid ah wadamada aan lahayn badaha ee ku yaala Qaaradda Afrika.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Ciidanka badda oo dhar madoow ku lebbisan halkee lagu arkay dunida, waa yaab, dharka Ciidanka badda waa inuu yahay lebbis cad oo isku joog ah.