Rooble oo la shiray wakiilada Beesha Caalamka

Published: May 5, 2021

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la qaatay xubnaha wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan arimaha geedi socodka doorashooyinka.

Si gaar ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Rooble ayaa shirkooda uga wada hadlay fududeynta howlaha horyaala Ra’iisul Wasaaraha oo ay ugu horeeyaan shirka soo socda ee 20-ka bisha May ee Golaha wadatashiga Qaran kaas oo looga arinsan doono soo afjaridda qodobada la isku khilaafsan yahay ee qabsoomidda doorashada.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa xoogga saaraya sidii hogaamiyayaasha Soomaalida ay u dadajin lahaayeen arimaha doorashooyinka loona soo afjari lahaa mad-madowga iyo khilaafka hareeyay qabsoomidda doorashada oo dhaaftay xiligii loogu talagalay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *