Gantaalkii Shiinaha oo Badweynta Hindiya ku soo dhacay

Published: May 9, 2021

Qeybo ka mid ah gantaalkii hawada ee Shiinaha Long March 5B ayaa ku burburay Badweynta Hindiya, sida laga soo xiganayo wakaaladaha wararka.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa la soo sheegay in gantaalka Shiinaha uu si aan la xakameyn karin ugu wareegayo wareegga dhulka oo uu ku dhacayo dhulka dushiisa meel kamid ah.

Macluumaadka ku saabsan goobta burburka gantaalku ku soo dhacay ku dhacay wuxuu ka yimid telefishanka ay maamusho dowladda Shiinaha, kaasoo soo xiganaya hay’adda hawada sare ee dalkaas.

Meesha la sheegay in qaybaha gantaalku ay ku dheceen ee badda waxay ku taal qiyaastii kun kiilomitir koonfur-galbeed u jirta Hindiya, una dhow boqortooyada jasiiradda Maldives.

Gantaalka ayaa culeyskiisu ahaa 21 tan. waxaana uu faraha ka baxay bilowgii bishan May, iyada oo welwel laga qabey in uu ku soo dhavco goobo dadku kubadan yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *