Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusomareeb

Published: May 9, 2021

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhusamareb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Galmudug Mudane Cabdullahi Xirsi, qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo Wasiirada galmudug, Maamulka Caasimadda iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii dhawaa ku sugnaa Muqdisho ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qeyb qaatay xalinta qalalaasihii ka dhacay Caasimadda ee sababay muddo kororsigii sharci daradaa ahaa ee uu sameystay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *