AMISOM oo loo kordhiyay Mudada howlgalkooda Soomaaliya

Published: May 12, 2021

Kulan ay shalay yeesheen 15-ka xubnood ee Midowga Afrika u qaabilsan Ammaanka iyo nabadgalyada ayaa lagu sheegay in la kordhinay mudada joogitaanka Ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa isku raacay in ilaa 31-ka December 2021 la gaarsiiyo joogitaanka Ciidanka AMISOM arintaas oo ay sabab uga dhigeen xaqiijinta amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya maadaama Soomaaliya ay ku jirto xili kala guurka ah.

Qorshahaan oo ah soo jeedin ayaa loo gudbiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kuwaasoo dhankooda laga sugayo fulinta qorshahan muddo kordhinta howlgalka.

 Ciidanka Amisom ee jooga Soomaaliya aya qorshohoodu yahay in ay kaalin weyn ka qaataan la dagaalanka argagaxisada iyaga oo garab ka helaya xoogga dalka Soomaaliya waxaana howlgalka joogitaankooda Soomaaliya uu sii galayaa sanadkii muddo 13 sano ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *