Farmaajo oo u hambalyeeyay Museveni

Published: May 12, 2021

Madaxweynaha Soomaaliya ee wakhtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Kambala ee caasimada Ugandha, ayaa kulan horudhac ah la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Yuweri Museveni.

Farmaajo iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kamid ah marti sharafta ka qeyb galeysa xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Ugandha oo dhawaan ku guuleystay doorashadii dalkaasi.

Dalka Ugandha ayaa kamid ah wadamada ay ciidamadooda ka joogaan dalka Soomaaliya.

Macada Madaxweynaha Soomaaliya inuu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo isaguna ka qeyb galaya xafladaasi.

Dowlada Kenya ayaa shalay soosaartay amar ay ku joojisay duulimaadkii uu dhaxeeyay dalalka Soomaaliya iyo Kenya, xili diyaaradii waday Farmaajo ay mareysay hawada Kenya kuna siijeeday Ugandha.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *