Kenya Airways oo beenisay in ay duulimaadyo deg deg ka bilaabayso Hargeysa

Published: May 12, 2021

Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa beenisay warar maalmahan soo baxay oo sheegaya in ay duulimaadyo deg deg ah dhawaan ka bilaabayso magaalada Hargeysa ee Somaliland,

War kasoo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay in qorshaha bilaabista duulimaadyada Hargaysa laga sugayo ogolaansho iyo ansixin sidaas darteedna xiligan uu hakad ku jiro qorshaha duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa.

“Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, iyadoo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay, Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.”

– ayaa lagu qoraal kasoo baxay Kenya Airways.

Shalay ayay ahayd markii uu soo shaacbaxay war la xiriira in Diyaarada Kenya Airways ay duulimaadyo ka bilaabayso magaalooyinka Hargaysa iyo Nairobi xili dowladda Kenya ay mamnuucday duulimaadyadii uga imaan jiray Soomaaliya iyo kuwii ka tagi jiray dalkeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *