Farmaajo oo dib ugu soo laabtay dalka kadib socdaalkii Uganda

Published: May 13, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo khamiis ah dib ugu soo laabtay dalka kadib socdaalkii uu ku tagay Uganda.

Farmaajo oo ay wehliyaan wasiiro iyo Marwada 1-aad ayaa magaalada Kampala uga qeybgalay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Uganda ee dib loo doortay Yuweri Mousevani.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Kampala kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda ka qeybgashay caleema saarka madaxweynaha Uganda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *