Munaasabadda Ciidul Fidriga oo maanta siweyn looga dabaaldagay dunida

Published: May 13, 2021

Waxaa maanta siweyn looga maamusay dhamaan wadamada Caalamka munaasabadda maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga oo kamid ah Ciidaha ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah.

Isku soo baxyo iyo munaasabado lagu weynaynayo farxadda maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga ayaa ka dhacay Wadamada kala duwan ee dunida islaamka iyadoo fagaarayaasha iyo Masaajidada laga oogay Salaadda Ciidda.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada sida isku mid ah looga Ciiday maanta waxaana magaalooyinka iyo deegaanada kala duwan ka dhacay munaasabadaha farxadeed ee lagu maamuusayo Ciidda Soon.

Ciiddul Fidriga ayaa kamid ah Ciidaha farxadeed ee diiniga ah waana Ciid la dabaaldago marka ay dhamaato bisha Soon oo muslimiinta Caalamku ay gutaan acmaasha Alle ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *